Hoggaamiyaha Galmudug oo Ku dhawaaqay Xukuumad Ka Tarjumaysa Rabitaanka Iyo Himilada Shacabka

Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dhismaha Xukuumad cusub, taas oo lagu saleeyey wada-tashi, tixgelinta duruufaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada Galmudug. Dhismaha Xukuumaddan ayaa xambaarsan himilada ah…

Hoggaamiyaha Galmudug oo Ku dhawaaqay Xukuumad Ka Tarjumaysa Rabitaanka Iyo Himilada Shacabka
Screenshot

Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dhismaha Xukuumad cusub, taas oo lagu saleeyey wada-tashi, tixgelinta duruufaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada Galmudug.

Dhismaha Xukuumaddan ayaa xambaarsan himilada ah in la helo hannaan hoggaamineed oo u adeegaya danaha guud oo xoojinayana midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana mudnaanta siinaya nabadgelyada, caddaaladda, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kobcinta dhaqaalaha.

Xukuumadda cusub waxaa laga filayaa inay horseeddo marxalad cusub oo ku dhisan masuuliyad, waxqabad iyo isla-xisaabtan, si rabitaanka shacabka loogu beddelo waxqabad muuqda, himilooyinka shacabka Galmudug na loogu xaqiijiyo adeeg dowladeed oo hufan oo loo siman yahay.

Magacaabista Golaha Wasiirrada cusub waxay sidoo kale muujinaysaa ahmiyadda ay leedahay in la helo hoggaan isku dheellitiran oo ka tarjumaya qaybaha kala duwan ee bulshada, laguna saleeyo karti, aqoon, waayo-aragnimo iyo xilkasnimo, si loo adkeeyo kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladnimada.

Waxaa Xukuumaddan cusub horyaalla masuuliyad culus oo ku aaddan adkaynta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, xoojinta hay’adaha dowladda, baahinta adeegyada bulshada iyo abuurista fursado dhaqaale oo wax ka tara nolosha dadweynaha, gaar ahaan dhallinyarada, haweenka iyo bulshada ku nool deegaannada aysan weli gaarin adeegyada dowladdu.

Himilada siyaasadeed ee dhismaha Xukuumaddan ayaa ah in la mideeyo dadaalka iyo awoodda bulshada Galmudug, lana abuuro maamul ku dhisan wadatashi, wadajir iyo u adeegidda danta guud, kaas oo shacabka Galmudug ku kasbanaya waxqabad, dhawrayana xuquuqdooda, kana shaqeynaya xaqiijinta mustaqbal ku dhisan nabad, caddaalad iyo horumar waara.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments