XORRIYADDA SAXAAFADDA: Guddoonka Golaha Shacabka oo warbaahinta madaxa bannaan ka hor istaagay tebinta fadhiyada, halka dadka TikTok isticmaala loo oggolaaday gelitaanka

XORRIYADDA SAXAAFADDA: Guddoonka Golaha Shacabka oo warbaahinta madaxa bannaan ka hor istaagay tebinta fadhiyada, halka dadka TikTok isticmaala loo oggolaaday gelitaanka

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya eedeymo la xidhiidha xaddididda xorriyadda saxaafadda iyo kala eexashada warbaahinta doonaysa inay tebiso fadhiyada Golaha.

Warbaahinta qaar ayaa loo oggolaaday inay gudaha u galaan xarunta Villa Hargeysa, halka kuwo kale laga hor istaagay inay fadhiga tebiyaan.

Arrintan ayaa soo shaac baxday intii uu socday fadhi caadi ah oo Golaha Shacabka lagu dhaariyey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga. Qaar ka mid ah dadka caanka ka ah TikTok ayaa gudaha xarunta ku duubay muuqaallo ay markii dambe ku baahiyeen baraha bulshada, xilli warbaahin madax-bannaan laga hor istaagay inay isla fadhigaas tebiso.

Su’aashu ma aha sababta dadka isticmaala TikTok loogu oggolaaday inay gudaha galaan, balse waa sababta suxufiyiinta qaarkood looga hor istaagay inay tebiyaan fadhi ay dad kale gudaha uga duubeen muuqaallo. Muuqaalka dhaarintu wuxuu shacabka tusayaa qayb ka mid ah wixii dhacay, halka tebinta madax-bannaan ay intaas dheer soo bandhigga doodaha xildhibaannada,daah-qaad runta,su’aalaha ay mas’uuliyiinta weydiinayaan danta bulshada ka turjumaya iyo dabagalka go’aannada Golaha.

Xorriyadda iyo Madax-bannaanida Saxaafadda

Qodobka 17(1) ee Dastuurka 2026 wuxuu aqoonsan yahay xaqa qofku u leeyahay inuu ra’yigiisa ku cabbiro saxaafadda. Qodobka 31(1) wuxuu dhigaya xaqa helitaanka xogta ay hayaan hay’adaha dowladda, marka laga reebo xogta la xidhiidha amniga qaranka, ilaalinta xuquuqda dadka kale ama xogta uu sharcigu xaddiday helitaankeeda. Sidoo kale, Qodobka 33(1) wuxuu dhigayaa in go’aannada maamulku noqdaan kuwo sharci ku dhisan, sababaysan, isla markaana loo maro habraac caddaalad ah.
Sharciga Warbaahinta, Lr. 26 ee 2020, ayaa si gaar ah u qeexaya madax-bannaanida saxaafadda.

Qodobka 2.4 wuxuu reebayaa cabbudhinta warbaahinta iyo faafreebka. Qodobka 3.1 wuxuu aqoonsan yahay madax-bannaanida warbaahinta ee gudashada waajibaadkeeda, iyadoo la dhowrayo sharciga iyo anshaxa xirfadda. Qodobka 3.3-na wuxuu reebayaa in faafreeb lagu sameeyo warbaahinta si waafaqsan sharciga u shaqaysa ama lagu khasbo inay baahiso war u adeegaya dhinac gaar ah.

Fadhiyada Labada Aqal iyo Baahintooda
Qodobka 84(2) ee Dastuurka 2026 wuxuu dhigaya in fadhiyada Golaha Shacabka, Aqalka Sare iyo guddiyadoodu u furnaadaan dhegeysiga dadweynaha. Fadhi xidhan waa ka-reebitaan la adeegsan karo marka ay lagama maarmaan noqoto ilaalinta xuquuqda qofeed ama danta qaranka, sida uu dhigayo xeer-hoosaadka Golaha.

Qodobka 85(2–3) wuxuu nidaaminayaa kalfadhiyada caadiga ah iyo jadwalkooda, halka Qodobka 89(7) uu habraaca kulammada wadajirka ah ee labada Aqal u daayo xeer-hoosaadka wadajirka ah.

Marka laga hadlayo baahinta fadhiyada Golaha Shacabka, Qodobka 30(1) ee Xeer-hoosaadka Golaha wuxuu dhigaya in warbaahintu baahin karto fadhiyada iyadoo la tixgelinayo go’aanka Golaha. Faqradda 30(5) waxay Golaha u oggolaanaysaa inuu dejiyo xeer lagu hago hab-dhaqanka wakiillada saxaafadda iyo dhegeystayaasha kale.

In fadhigu dadweynaha u furan yahay macnaheedu ma aha in fadhi kasta khasab ay tahay in si toos ah loo baahiyo. Hase yeeshee, awoodda lagu nidaaminayo gelitaanka iyo baahinta waa in lagu adeegsadaa hab cad, hufan oo loo siman yahay, si aanay u noqon aalad lagu takooro ama lagu xaddido warbaahin madax-bannaan.

Waxa Laga Sugayo Guddoonka
Guddoonka Golaha Shacabka waxaa la gudboon inuu caddeeyo: Yaa dejiyey shuruudaha gelitaanka, xaggeese lagu daabacay ? Maxaa lagu saleeyey in warbaahin qaar loo oggolaado inay fadhiga tebiyaan, halka kuwo kalena loo diido? Sideese loo hubinayaa in shuruudaha si siman loogu dabaqo dhammaan warbaahinta, isla markaana go’aanka diidmada dib loo eegi karo ?
Waxaa sidoo kale laga sugayaa Guddoonka inuu si cad u sheego sababaha warbaahinta qaar loogu diiday gelitaanka fadhiga, isla markaana uu soo bandhigo shuruudo hufan oo loo wada siman yahay.

Haddii tirada suxufiyiinta la qaabili karo ay kooban tahay, waa in fursadda tebinta si caddaalad ah loogu qaybiyo warbaahinta.

Sidoo kale, in fadhiyada furan si toos ah loo baahiyo, ajandayaasha iyo go’aannada Golaha-na si joogto ah loo daabaco, waxay shacabka u fududaynaysaa inay la socdaan shaqada wakiilladooda.

Baahinta rasmiga ahi waxay kaabaysaa tebinta madax-bannaan, balse ma beddelayso doorka warbaahinta iyo xaqa ay u leedahay inay si madax-bannaan u soo tebiso dhacdooyinka.

Golaha Shacabka waxaa loo igmaday inuu Xukuumadda la xisaabtamo. Haddii Guddoonkiisu warbaahinta madax-bannaan ka hor istaago tebinta fadhiyada, waxa wiiq-maysa awoodda ay shacabku kula xisaabtami karraan wakiilladooda.

Sidee ayuu Golaha Shacabku Xukuumadda uga dalban karaa daahfurnaan, haddii Guddoonkiisu shacabka ka hor istaago daahfurnaanta uu isagu Xukuumadda ka dalbanayo ?
Isla-xisaabtanku waa inuu ka billowdaa Golaha loo igmaday inuu Xukuumadda la xisaabtamo.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments