U bood dhigaalka

Dadka Computerka Wax ku Akhriyo kama qaadaan Aragti Fogaan ama Gaabni

Buug cusub oo uu soo saaray Dhakhtar xagga indhaha ah oo lagu magacaabo Baskal Barani oo u dhashay dalkaasi Faransiiska waxaa lagu sheegay in dadka caado ka dhigtay in Computer-ka saacado badan horfadhiyaan aanay ka qaadi karin Aragti dheeri iyo yaraan toona.

Hadalka Dhakhtarkan waxaa uu meesha ka saarayaa xanta ama hadal heynta dad badan oo rumeysan in Cmputerka uu dadka indhaha tiro.

Dhakhtarta waxaa uu sheegay in ay macquul tahay in uu qofka dareemo Daal, indhaha oo Qalala mararka qaar, indho xanuun, lakin arinkaas xiriir lama laha Computerka ayuu leeyahay.

Dhakhtarkan Baskaal, Waxaa uu leeyahay waxaa haboon in Dhakhtar loo tago haddii qofka uu isku arko indha xanuun si loo ogaado dhibka halka uu ka jiro, balse aan eedda dusha laga saarin adeegsiga Computer-ka.