U bood dhigaalka

3 Waxyaabood Iska Ilaali..Adeegsigaaga Baraha Bulshada

Shabakadaha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa doodo badan ka dhex dhaliya gudaha dadka adeegsada, marka la eego waacyiga uu hadda dalkeennu ku sugan yahay, waxaa markii hore loo soo saaray iney ku wada xiriiraan ehelka iyo asxaabta, ayaa hadda waxay noqdeen waxyaabaha ugu badan ee wakhtiga lagu lumiyo.

Sidaas oo ay tahay dadbadan ayaan nolol maalmeedkooda uga maarmeyn, waxay ka mid noqdeen baraha bulshadu waxyaabaha nolosheenna la falgala maalin kasta, sidaas oo ay tahay waxaa lagama maarmaan ah inaan si wanaagsan u adeegsanno si la falgaleysa maslaxaddeenna gaarka ah wakhti badanna aan naga dayaceyn.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 3 waxyaabood oo si khaldan loo adeegsado isla markaana ay tahay inaad ka fogaato markaad adeegsaneyso baraha bulshada.

1 – Ha Yareysan Inaad Xafidato Xogahagaaga Gaarka ah:

Bar kasta oo bulsho waxay leedahay quful goonni ah oo aad ku ilaashan karo waxyaabaha kuu gaarka ah ee aaney ahayn inaad la wadaagto cid kasta amaba aad u baahan tahay inaad dadka qaar aad la wadaago oo kaliya. Sidaa darteed ha yareysan oo waxyaabaha kuu gaarka ah si wanaagsan u ilaasho, xaydaanbaakana yaaney ka bixin, haddii kale oo aad iska dayacdo si khaldanna loo adeegsado naftaada mooyaane cid kale ha eedsan.

2 – Ha Faafin Wax Kasta:

Baraha bulshada uljeedada loo aasaasay waxaa ka mid ah in waxyaabaha muhiimka ah aad la wadaagto dadka aad daneynayso, taas oo ah mid u qalanta in dadku akhristaan amba ay daalacdaan, laakiin macquul ma aha in aad faafiso wax kasta oo aad ku aragto barahada bulshada amba dhibaatada dariskaaga kaala dhexaysa aad bulshada kale la wadaagto.

3 –  Ha Rumeysan War Kasta oo Baraha Bulshada Lagu Faafiyo:

Bilihii lasoo dhaafay waxaa aad looga wada hadalay sidii lagu joojin lahaa wararka beenta ah ee lagu faafiyo baraha bulshada oo xad ka bax noqoday isla markaana laka saari waayay waxyaabaha runta ah iyo kuwo kale, iyadoo ay jirto in tallaabooyinka qaar la qaaday sidii lagu xakameyn lahaa wararka beenta ah, ayaa hadana ay wanaagsan tahay inaad ogaato iney jiraan kumanaan baro bulsho oo loo aasaasay iney faafiyaan wararka been abuurka ah oo laga leeyahay ulajeedooyin kala duwan.

Sidaa darteed ha rumeysan wax kasta oo aad ku aragto baraha bulashada, hana faafin wararka aad ku aragti ilo warbaahineed oo lagu kalsoon yahay mooyaane.

Goobjoog News