Akhriso: Bayaanka Hey’adda Culimada Soomaaliyeed

Hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray bayaan ku aadan khilaafka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka.
Bayaanka Culumada Soomaaliyeed oo ka kooban 6 qodob waxaa uu u qornaa sidan:
1. Culimadu waxay soo jeedinayaan in mucaaradnimadu ay noqoto mid wax dhisaysa ee aanay noqon mid wax duminaysa, waxayna ku talinayaan in la wada tashado laysuna nasteexeeyo.
2 . Culimadu waxay ka digaysaa falalka iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara in uu dalku dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ah qabyaalada, dulmiga iyo danaysiga gaarka ah.
- Culimadu waxay soo jeedinayaan in dowladu ay dhowrto muwaadinka Soomaaliyeed xurmadiisa iyo xuquuqdiisa si ay cadaaladdu u hirgasho kalsoonida dadkuna u soo laabato.
4 . Culimadu waxay ku talinayaan in laga fogaado isticmaalka adeegsiga awoodda aan sharciga aheyn taasoo ay ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fitno aan la xakameyn Karin.
5 . Culimadu waxay u soo jeedinayaan dhammaan siyaasiyiinta inay dalka ka ilaaliyaan faragelin shisheeye dhowraana madaxbanaanidiisa.
6 . Culimadu waxay u dardaamayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ilaashadaan diintooda, dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda kana digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajirkooda keeni karana tafaraaruq iyo Khilaaf.