Akhriso: Dambiyadii Ka Dhacay Deegaannada Puntland Sanadka 2017
Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay dambiyadii ka dhacay deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo sanadkan sii dhamaanaya ee 2017.
Maxamed Cali Xareed, ku xigeenka xeer ilaaliyaha maamulka Puntland oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa soo bandhigay dambiyadii dhacay 2017, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga dhacay deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.
Gobolka Bari aya noqday kan ugu badan ee fal dambiyeedyada ay ka dhaceen sanadka 2017.
Gobollada Puntland Magacaabatay iyo sidey wax uga kala dhaceen:
Gobalka Nugaal 173 dambi
Gobalka Bari 982 dambi
Gobalka Karkaar 351 dambi
Gobalka Cayn 677 dambi
Gobalka Mudug 169 dambi
Gobalka Sanaag 70 dambi
Gobalka Haylaan 150 dambi
Goobjoog News