Akhriso: War-murtiyeedka Shirweynaha Qaran Ee Siyaasadda Dhallinyarada Soomaaliyeed
Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gagababeeyay shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhallinyarada Soomaaliyeed, kaas oo furmay 17-kii bishan.
Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasha la wadaageysaa war murtiyeedka oo dhameystiran.
- In si wada jir ah looga qeyb qaato dhaqan galinta siyaasada qaran ee dhalinyarada.
- In la howl-geliyo golaha dhainyarada qaran KMG ah,si uu unoqdo meel ay hogaamiyaasha dhalinyarada ku sameeystaan, kuna bartaan hogaaminta wanaagsan looguna olaleeyo danaha dhalinyarada Soomaaliyeed.
- In dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo.
- In loo sameeyo kulamo joogta ah si loo xoojiyo iska warqabka dhalinyarada loona helo dhalinyaro u ababulan horumarka dalka.
- In dhalinyaradu hesho adeegyada aasaasiga u ah sida waxbarasho tayo leh caafimaad
- In culimadu ay ku yeeshaan door muhiim u ah jiheynta maskaxda dhalinyarada lagana wacyi geliyo figradaha xagjirnimada.
- In qof walba oo dhalinyaro ah lagu dhiiri galiyo waxyaabaha hibada gaarka ah uu leeyahay.
- In aqoonta dhallinyarada diini iyo mid maaddiba ah kor loo qaado.
- In mudnaanta 1aad la siiyo dhallinyada dalka wax u baratay, si ay u buuxiyaan fursadaha ajanaiibta heysato.
- In la helo goobo lagu madadaalliyo dhallinyarada.
- In dastuurka JFS ee KMG ah lagu cadeeyo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed xiliga lagu jiro dib u eegista.
- In ay helaan caddaalad iyo nidaam dowladnimo oo kala haga.
- In a baro waddaniyadda iyo qiimaha dalku leeyahay.
- In kaalin muhiim ah ay ku yeeshaan siyaasadda iyo dowladda qeybaheeda kala duwan.
- In loo muujiyo kalsooni iyo tixgalin waxyaabaha ay qaban karaan.
- In la ilaaliyo manhajka waxbarashada tayadiisa laga wada tashto arimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga lagana qeyb galiyo dhalinyarada.
- In garab istaag iyo dhiiri galin loo sameeyo dhalinyarada ku tiirsan kheeyraadka dalka (beeraha kallumeysiga iyo xanaanada xoolaha)
- In la isku xiro ganacsatada iyo dhalinyarada si ay u helaan fursado shaqo loona abuuro sanduuqa horumarinta dalka.
- Waa in dhalinyaradu isku kaashato sidii dalka loo hormarin lahaa qof kastana xil is kaga saaro sugidda ammaanka daka iyo tagaeerida dowladnimada si aan u gaarno Nabad iyo Nolal hormarsan.
- Waa in dhaliyaradu kaalin mug le ka qaataan caafimaadka, faaya dhowrka, Nadaafadda waxbarashada , fanka iyo suugaanta , ciyaaraha. caawinta dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba ,bilic soo celinta magaalooyinka iyo guud ahaan dalka soomaaliya.
- In dhalinyarada loo sameeyo xarumo ay ku kulmaan ayna fikradooda ku kala qaataan.
- In dhallinyaradu bartaan taariikhda ummadda soomaaliyeed si ay wax uga bartaan isagana jiraan qalalaadkii hore iyo fikradaha guracan ee xagjirnimada ah.
Goobjoog News