Akhriso: Warbixinta Iyo Go’aanka Guddiga Golaha Shacabka Ee Qalbi-dhagax Iyo ONLF

Guddiga golaha shacabka u saaray arrinta heshiisyada dowladda, Qalbi-dhagax iyo ONLF ayaa maanta warbixin 80 bog ah hor-keenay golaha.
Warbixinta labada qodob ee ugu muhiimsan waa dhiibista Cabdikarim Qalbi-dhagax iyo Jabhadda ONLF,
Qoraalka Ay Guddiga Akhriyeen Waxaa Ku Qornaa:
Habraaca Loo dhiibay Cabdikarim ma waafaqsan yahay shuruucda dalka
Kadib markaan aragnay dhammaan dastuuradii ay Soomaaliya soo yeelatay taniyo xoriyaddii 1960-kii iyo shuruucda dalka ee ku aadan arrinta isu-gudbinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikarim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” aan loo marin hab sharci ah, lanaga talagelinin hey’adaha garsoorka, iyada oo isla markaas ay maareysay hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda qaranka keliya, laguna saleeyay go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo la siiyay madaxda qaranka
Ururka ONLF ma yahay Urur Agigixiso
Guddiga baairis kadib, waxaa usoo baxday in caalamka uusan u aqoonsanayn ONLF, aysan aheyn urur Argigixiso ah, maadaama aaney ku jirin liiska argigixisada caalamiga ah
Siyaasadda dowladda federaalka ah Soomaaliya ma mid ma aha in ay aqoonsato ama gabaad siiso jabhado ama ururo hubeysan oo duulaan ku ah nabadgelyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada dariska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.
Goobjoog News