U bood dhigaalka

Caruurta Ugu Badan Dunida Oo Waxbarshada Kaharay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada Nigeria ayaa sheegtay in kala bar caruurta caalamka aysan heysan waxbarasho, waxayna ku noolyihiin  kala bar caruurtaas dalka Nigeria.

Hadalkaani ayaa waxaa sheegay xoghayaha  joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada Nigeria kaasi oo furayay golaha waxbarashada qaranka dalkaasi.

Waxaa jira ku dhawaad 20 Milyan oo caruur ah,  kuwaasi oo aan usuurto galin in ay ku biiraan Iskuullada  kala bar caruurtaan waxay ku noolyihiin Nigeria.

Dowladda Nigeria iyo qaar ka mida hay’adaha waxbarashada gaarka ah, ayaa waxay dadaallo ku bixiyeen sanadihii ugu dambeeyay  waxbarashada si caruurta ay u helaan waxbarasho iskuulladana ay u aadaan, balse dadaalladaas ma noqan kuwo kaafiya.

Nigeria in ka badan 6 sano waxaa ka socday dagaallo u dhaxeeya kooxda Boko Haraam iyo dowladda, waxayna keeneen dagaalladaas in ay dhintaan tobanaan kun oo qof, halka ay barakaceen 6 malyan oo kale.

Dowladda Nigeria ayaa ah dowladda ugu weyn qaaradda Africa  dhanka dadka, dadka ku nool Nigeria ayaa waxay gaarayaan 182 malyan oo qof,  waxaana degan 150 kooxood oo qabaa’ilo kala duwan ah.

Goobjoog News