Ciidamada K/galbeed Oo Howlgallo Ka Sameeyay Baay
Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka K/galbeed ayaa maanta waxay howlgallo ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay ku baxeen deegaanno la sheegay iney ku sugan yihiin Al-shabaab.
Madguud Macalin oo ah taliyaha ciidamada howlgallada ee Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannadii ay ku baxeen ay kasoo waayeen Al-shabaab.
Wuxuu taliyaha tilmaamay in markii ay Al-shabaab maqleen in dhankooda lagu wajahan yahay ay goobta isaga baxsadeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Madgaduud ayaa sheegay in xilli walbo diyaar u yihiin iney Al-shabaab la dagaallamaan kana saaraan meelaha ay kaga sugan yihiin deegaannada ku dhow Bardaale ee gobolka Baay.
Goobjoog News