Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Maanta Ku Shiraya Jabuuti
Sheeko:Dalka

Shir gogol xaar u ah wada hadalka Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaya dalka Jabuuti.
Shirkaan oo uu wado urur goboleedka IGAD ayaa lagu heshiisiinayaa maamulladan oo ku muransan siyaasadda gobolka Galgaduud.
Ahlu-sunna ayaa horay u sheegtay in aysan ka qeyb gelin dhismaha maamulka Galmudug oo hadda xarun KMG ah u ah magaalada Cadaado.
Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa gaaray dalka Jabuuti, kuwaasi oo shalay dalka ka ambabaxay.
Waxaa jiray wadahadallo aan dhameystirneen oo horey u dhexmaray Galmudug iyo Ahlu-sunna.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News