Golaha Shacabka Federaalka Ah Oo Isku Raacay In Qalbi-Dhagax Dhiibistiisu Aheyd Qalad
Sheeko:Dalka

Golaha shacabka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulankooda maanta qaatay go’aan ka dhan ah midka ay horay xukuumadda ugu dhiibtay Cabdikarim Qalbi-dhagax.
Golaha Shacabka ayaa dood ka dib ansixiyey warbixintii Guddiga QalbiDhagax oo ay sheegeen in Nabad-Sugida ay maareysey oo Madaxda Qaranka aan la siinin macluumaad sax ah.
Arrintan waxaa ay ka dhigan tahay in Cabdikarim Qalbi-dhagax uu ahaa muwaadin si qaldan loo dhiigay, isla markaana ONLF aaney aheyn koox argigixiso ah,
Talooyinka Guddiga Loo xil saaray Arrintii Qalbi dhagax Golaha Shacabku waa ay ansixiyeen .
152 ayaa ogolaatay.
6 way diiday .
3 aamustay.
Wararkan oo Faa-faahsan, Kala soco Goobjoog News