Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Oo Cambaareysay Go’aanka Trump Ee Qudus
Sheeko:Dalka

Hey’adda Culmida Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen ku cambaareeyay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il.
Hey’adda culimada Soomaaliyeed waxaa ay go’aanka Trump ku tilmaantay go’aan xad-gudub ah oo ka hor imaanaya qaraarada golaha ammaanka , waxaa kale oo ay sheegeen in go’aankan aanu aheyn mid wax ka badali kara taariikhda iyo Juquraafiga ah jira balse uu ugu darayo dhibaatada bariga dhexe.
Hey’addan Soomaaliyeed waxaa soo jeedisay in loo midoobo jawaabta laga bixinaayo iyaga oo ugu baaqay madaxda dowladaha Islaamka in ay go’aan adag ka qaataan arrinta Trump.
Goobjoog News