Kuuriyada Waqooyi Oo Cunno-Qabateyn Cusub Lagu Soo Rogay

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa go’aamiyey shalay oo jimco aheyd in la isku raacay cunno-qabateyn adag in la saaro Kuuriyada waqooyi, taasi oo looga falcelinayo tijaabinta gantaalkii ugu dambeeyay oo ay sameyso.
Cuno-qabateynta la saarayo waxaa ka mida Kuuriyada waqooyi qeybna ka mid ah go’aanka uu gudbiyey Mareykanka in hoos loo dhigo boqolkiiba 90% naftada ay la soo degto.
Shiinaya iyo Ruushka, oo ka mida dowladaha bahwadaagta ay yihiin Kuuriyada Waqooyi waa ay u codeeyeen go’aankaani.
Cuno-qabteynta kale ee Kuuriyada waqooyi la saari doono waxaa ka mida in muwaadiniinta u dhalatay Kuuriyada Waqooyi ee ku nool banaanka dalkooda la soo tarxiilo muddo 12 bilood gudahood ah si Kuuriyada loogu diido lacagaha ay u soo diraan dalkooda.
Goobjoog News