Mashruuca Biyo-keydinta Xawaadley Oo Dib Loo Howl-gelinayo

Mas’uuliyiin uu horkacayo maamulka gobolka shabeellada dhexe ayaa furay biyihii in muddo ah ku xayirnaa halkaasi mashruuca biyo keydinta Xawaadley.
Qaar ka mida beeraleyda ku dhaqan deegaannada gobolka shabeellada dhexe ayaa ka hadlay faa’idooyinka uu leeyahy in mashruuca dib loo furo
Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay arritani tahay ajiibid ku aadan sidii beerihii gobolka shabeellada dhexe keydkii anfici lahaa wax looga qaban lahaa, guushiina la gaaray.
Beeraleyda dhammaanteed waxa ay ka qeyb qaateen mashruuca dhameystirkiisa, biyihii ku xirnaa muddo 28 sano waxaa u soo gurmaday iskaashitooyinka ka tirsan gobollada shabeellada hoose iyo kan dhexe.
Mashruucaan biyo keydinta ah ayaa biyihiisu waxaa uu kaafin karaa sida la sheegay beeraleyda ku dhaqan gobollada shabeelada hoose iyo dhexe mudo labo bilood ah.
Goobjoog News