Saraakiisha Caafimaadka: 13 Ayaa Ku Dhimatay Qaraxa Dugsiga Jeneraal Kaahiye
Sheeko:Dalka

Saraakiisha caafimaadka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye .
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, xilli ay ciidamada ku jireen tababarkooda caadiga ahaa ee subaxnimo.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda u dabaal-degi-doona maalinta la aasaasay oo ku began December 20, 1943
Hey’adaha ammaanka ayaa wado baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana lagu wadaa in ay war ka soo saaraan.
Goobjoog News