Sawirro: Maalinta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Oo Laga Xusay Muqdisho

Munaasabad loogu dabaaldeyey 74-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxay munaasabadan ka dhacday Akadeemiyadda ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Xubno ka tirsan golaha wasiirada, Xildhibaanno, Hoggaanka iyo Saraakiisha Booliska, Taliska Ciidanka Xoogga dalka, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo danjireyaal ka socdey Beesha Caalamka.
Waxay ciidamada Booliiska halkaasi ka sameeyeen dhoolatus, iyaga oo soo bandhigay xirfadahooda iyo qalabkooda.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo munaasabbadaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed 74-sano guuraduu kasoo wareegtay aas-aaskooda.
Waxa uu sheegay in caawa la qaban doono munaasabad kale oo aad u ballaaran, islamarkaana loogu dabaaldegayo maalintaan, kana qeybgali doonaan guud ahaan madaxda sare ee dowladda.
Goobjoog News