U bood dhigaalka

Shiinaha Oo Degmo Lagu Noolaado Ka Dhisaya Dayaxa

Wakaaladda Sattaleedka ee Yurub ayaa sheegtay inay dowladda Bakiin aya kala xaajoonayso sidii ay iskaga kaashan lahaaayeen inay waddanka Chinaha ay gacan ku siiyaan sidii uu dayaxa korkiisa uu uga dhisi lahaa saldhig, kaasi oo loo bixinayo tuulada Dayaxa, ujeedka loo aas aasayo saldhiggaan ayaa waxa uu yahay inay dadka dagaan oo ay camiraan dayaxa korkiisa, iyadoo intaas wixii ka dambeeyo safarrada dhanka meeraha lixaad ee loo yaqaanno Mariikh.

Xoghaya guud ee wakaaladda Sattaleedka China ayaa daaha ka qaaday in China iyo Yurb uu dhex maray wadahadal arrintaasi ku saabsan sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Chinaha.

Dhanka kale afhayeen u hadlay wakaaladda sattaleedyada Yurub ayaa sheegay in dowladda Ccina ay leedahay hanqaltaag weyn kaasi oo ku saabsan sidii loo iktishaafi lahaa dayaxa, waxa uu intaas uu ku daray in arrinta ku aaday Satteleedka uu is badalay tan iyo markii uu bilowday xilliyadii sagaashankii.

Afhayeenka ayaa waxa uu hoosta uu ka xariiqay in tuulada Dayaxa oo hadda uu sameynayo Chinaha ay noqon doonto barta ay ka bilaabato safarada caalamiga ah, taasi oo kulmin doonto ergooyin badan oo ka socoto waddamada caalamka iyogoo ku wajahan meeraha mariiq.

Xoghaya guud ee wakaaladda Sattleedyada Yurub ayaa sheegay in saldhig ay ku noolaadaan dadka haddii laga dhiso dayaxa dushiisa ay arrintaasi ay dhiiro galinayso horumarka dalxiiska sataleedka iyo in la soo saaro maacaadinta taallo dayaxa dushiisa.

Goobjoog News