Tartanka Kubadda Cagta Ee Gobollada Iyo Koobabka Ay Kala Heystaan

Waxaa Jimcaha Muqdisho ka furmi-doona tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada, kaasi oo laga soo wareejiyay Jubbaland.
Tartanka waxaa ka qeyb-galaya maamullada Jubbalad, Koonfur galbeed, Banaadir, Hirshabeelle, Galmaudug Iyo Puntland.
Hadaba Halkan ka Akhris Sida Horay Loogu Kala Guuleystay:
Tartankan xilligii burburka ka hor waxaa loo tartami jiray 18 gobol oo dalka ah, waxaa gobollada isku reereebi-jireen sida ay daris u yihiin, si ugu dambeyntii tii awood badan koobka u ciyaarto.
Taariikh ahaan, gobollo waxaa jirta koobka qaadistiisa ku caan baxay, kuwoo aan weligood qaadin iyo gobollo aanba weligood iman koobka.
Burburkii ka Hor: Gobolka Jubbada hoose waxaa uu qaaday 8 jeer, Shabeellada hoose 3 jeer, Shabeellada dhexe 3 jeer, Waqooyi galbeed iyo Banaadir mid ha jeer.
Burburkii Kadib: 2010-kii markii dib loo bilaabay, tartan lagu qabtay Garoowe waxaa ku guuleystay gobolka Banaadir halka tartankii kale ee July sanadkii hore dhacay ay ku guuleysteen ciyaar-toydii ka socotay Puntland.
Haddii marka aan qaab maamul goboleed u qorno waxaa ay noqoneysaa sidan:
Jubbaland: 8 Jeer
Koonfur Galbeed: 3 Jeer
Banaadir: 2 Jeer
Hirshabeelle: 3 Jeer
Galmudug: Eber
Puntland: 1 Jeer
Natiijada iyo ciyaaraha, kala soco, Goobjoog News