Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Oo 7 Amar Ka Soo Saartay Xajka, Visaha Iyo Diiwaan-gelinta Shirakadaha
Sheeko:Dalka

Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ayaa axaddii amarro cusub ka soo saartay arrimaha Xajka, is-diiwaan-gelinta shirakadaha, lacagaha Xaajiga laga qaado iyo fududeynta Visaha.
Hadaba, Qodobadda waxaa ka mid ahaa:
- Wasaaradda waxaa ay wax ka badal ku sameyneysaa maamulka arrimaha Xajka
- Wasaaradda waxaa ay horumarin ku sameyneysaa dhammaan adeegyada loo fidiyo xujeyda Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo sharfta xaajiga.
- Wasaaradda waxaa ay bixineysaa ogolaanshiyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka iyo cumrada ee sanadka 2018.
- Wasaaradda waxay ku wargelineysaa dhammaan shirkadaha daneynaya in ay ka shaqeeyaan arrimaha Xajka iyo cumarada in ay iska soo diwaan-geliyaan wasaaradda inta u dhaxeysa 07/01/2018-20/07/2018
- Wasaaradda waxaa ay dib u eegis ku sameyneysaa qarashka ku baxaya Xaajiga Soomaaliyeed iyada oo lala kaashanayo xukuumadda.
- Wasaaradda waxaa ay ku dadaali-doontaa sidii xafiiska fiiso bixinta iyo cumarada ee safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya looga furi-lahaa Muqdisho, si muwaadinka loogu sahlo Visa helidda.
- Wasaaradda waxaa ay kaashan-doontaa fulinta Xajka dhammaan hey’adaha ay khuseyso.
Akhriso: