Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa Iyo Khubaro La Socotay Oo Booqday Beled-Xaawo Iyo Xadka

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wafdi uu horkacayo oo shalay Doolow tagay ayaa isla galabtii u gudbey magaalada Beled-xaawo iyaga oo booqday xadka labada dal iyo goobaha ay ku soo xad-gudbeen Kenyaanka.
Wasiir Juxa waxaa isaga iyo wafdigiisa ay booqdeen xadka, iyaga ay wehliyaan dad khubaro ah oo xeer-dheer xadka, waxaa kale oo ay dhageysteen dadka reer Beled-xaawo kuwaas oo Juxa uga war-bixiyay sida ay wax u jiraan,
In kasta oo xalay wasiirka iyo wafdiga la socday ay dib ugu soo laabteen Dolow hadana lama oga waxa u qorsheysan saaka iyo in ay mar kale ku noqon-doonaan iyo in kale.
Shalay ayey aheyd markii golaha shacabka soo saareen qodobo muhiim u ahaa arrimaha xadka sida:
Guddiga waxaa uu arkey in xiriir ha ujeeda ah uu ka dhaxeeyo soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Balad Xaawo ay u soo galeen arrimo la xiriira dariga iyo muranka badda.
Guddiga waxaa uu cambaareeyay isku-day dhul boob oo ay wadaan Kenyaaka.
Guddiga waxaa uu boggaadiyay shacabka Beled-xaawo oo si geesinnimo leh uga hortagay taangiyada Kenya.
Xukuumadda waxaa loogu baaqay in ka bixiso jawaab mas’uuliyeed , loona diro guddi wasiirro ah iyo goleyaasha baarlamaanka.
Guddiga waxaa ay arrinta Beled-xaawo u qabteen guddi ka kooban 5 xubnood oo la socon-doona xaalada Beled-xaawo.
Wararkan oo faah-faahsan kala soco, Goobjoog News