U bood dhigaalka

10 Al-shabaab ah oo u Geeriyootay Qarax Miino

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 10 Al-shabaab ah, oo mas’uuliyiin ay ku jiraan ayaa ku geeriyooday qarax miino jimcihii lagula eegtay deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug.

Warar qaar ayaa sheegaya in miinada markii hore ayba aaseen kooxda si ay dowladda federaalka ah ula eegtaan.

Al-shabaab ayaa meelo badan ku aasto miinooyin taas ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah, June 27-deeda waxaa Wisil miino ay duugeen ugu geeriyooday ilaa 30 rayid ah.

Al-Shabaab ayaa heysta goobo badan oo Mudug iyo Galmaguud ah halka maamulka Galmudug uu ku mashquulsan yahay la dagaalanka kooxda Suufiyada ah.

Goobjoog News