U bood dhigaalka

10 Bilyuuneer oo Go’aan Ku Gaaray in Hantida aaney Dhaxlin Caroortooda, Liis La Yaab Leh!

Sheeko:Amniga

Dunidan in aad Bilyuuneer noqoto waa wax adag, oo ay gaaraan uun dad fara ku tiris ah, waxay ku timaadaa shaqo adag, hawlkarnimo iyo nasiib, waxaana iska caadi ah in waalidiinta ay geerida kadib dhaxalka hantidaas uga tagaan caruutooda, laakin waxaa jiro dadka balaayiin heysto, oo go’aan ku gaaray in caruurtooda aaney dhaxli doonin hanti ka badan baahidooda.

1. Warren Buffett oo hantidiisa ay Forbes ku qiyaastay 2021-ka ilaa 103.1 billion USD waxaa uu sheegay in hantidiisa 85% uu uga tagi doono hey’adaha kheyriga ah ee ka shaqeeya sadaqada, isaga oo ku dhiirigeliyey hantiileyaasha kale iney sidaas sameeyaan.

“Aniga ma ahi dadka u xamaasadeysan in qoyska in hanti badan la iska dhaxlo, gaar ahaan marka ay 7 Bilyan kale fuqaro yihiin” ayuu yiri Warren Buffett.

2. Bill Gates: Waa Bilyuuneer kale oo go’aan ku gaaray in caruurtiisa aaney ka dhaxlin wax ka badan baahidooda, isaga oo sheegay in midkiiba uu uga tagi doono $10 million, lacagtaas waa mid kula badan ilaa aad ka ogaato in lacagta Bill Gates ay Forbes ku qiyaastay 2021-ka ilaa 132.7 billion USD.

Milkiilaha Microsoft oo arrintan ka hadlay waxaa uu yiri “Fikradda ah in caruurta la dhaxalsiiyo hanti badan ma aha wax fiican”.

3. George Walton Lucas oo ah hindisaha “the Star Wars” , waxaa ay Forbes hantidiisa ku qiyaastay 2021-ka ilaa 7.1 billion USD, waxaa uu wacad ku maray in marka uu geeriyoodo sadaqeynayo kala-u-bar hantidiisa, si wax looga qabto horumarinta waxbarashada.

4. Mark Zuckerberg oo ah milkiilaha Facebook, 37 jirkan waxaa ay Forbes hantidiisa ku sheegtay ilaa 116.2 billion USD, isaga oo sheegay in isaga iyo xaaskiisa Priscilla Chen ay sadaqeyn doonaan 99% hantida si lagu dhiirigeliyo sinnaanta iyo horumarinta caruurta.

5. Gordon Matthew Thomas oo loo yaqaano Sting, ahna fanaan Ingiriis ah, hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa $300 million, waxaa uu sheegay in caruurtiisa aanu uga tagi doonin wax hanti, oo ay waajib tahay iney shaqeystaan, isaga oo intaa raaciyey in haddii ay dhibaato heysto keliya uu caawin doono.

6. Jackie Chan oo ah atoore Shiinees ah, waxaa hantidiisa lagu qiyaasay $350 million, waxaa uu sheegay in hantidiisa kala-ubar uu sadaqeyn doono, waxaase la yaab laheyd markii uu sheegay in aanu shilin siin doonin wiilkiisa Jaycee.

“Haddii uu hawlkar yahay waa uu shaqeysan, haddii aanu aheynna lacagteyda ayuu ku fataalayaa” waxaa yiri Jackie Chan.

7.  Simon Cowell  oo ah maskaxda American Idol, America’s Got Talent iyo barnaamijyo kale oo caalami ah waxaa uu horay u sheegay in aanu dhalin wiilkiisa Eric in hantidiisa uu sadaqeyn doono isaga oo intaa raaciyey “Ma rumeysni in jiilasha ay hantidad isaga tagaan”.

8. Nigella Lawson oo ah boqoradda cunti karinta waxaa ay heysataa ilaa $20 million,  waxaa ay sheegtay in labadeeda canug ee Cosima iyo  Bruno aaney lacag ka dhaxli doonin, taasi oo keentay in iyada oo seygeeda ay murmaan.

9. Gloria Vanderbilt  ah ayaa diiday in canugeeda ay wax lacag ah dhaxalsiiso, waxay ka tagtay  $200 million.

10. Andrew Lloyd Webber oo hantidiisa lagu qiyaasat ilaa $1.2 billion, waxaa uu sheegay in xaasaskiisa iyo caruurta aaney lacag ka dhaxli doonin, oo uu hantida uga tagi doono in lagu caawiyo fanaaniinta yaryar.

Goobjoog News