U bood dhigaalka

10-kun Oo Qoys Oo Ka Barakacay Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Waxaa sii kordhaya tirada Qoysaska ka barakacaya guryahooda oo ku yaala degmada Bardheere ee gobalka Gedo, tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay ku wajahan yahiin degmadaasi oo ay maamulaan Al-shabaab.

10-kun oo Qoys ayaa lagu qiyaasay dadka ka barakacay Magaalada Baardheere labadii Todobaad ee ugu dambeeyay, waxaana dadkaasi ay u badan yihiin, Haween, Caruur iyo dad da’ah.

Qoysaskan ayaa ka cabsi qaba in uu dagaal uu ka dhaco degmada Baardheere, waana midda kaliya ee keentay in ay halkaasi naftooda kala baxsadaan.

Dadka qaar ayaa ku barakacay gaadiid, halka kuwa kale ee danta yar iyaguna ay alaabtooda iyo caruurtooda ku qaateen Gaari Dameer.

Ruqiyo Cali waa hooyo dhashay 10 caruur , kana mid ah Qoysaska ka barakacay Magaalada Baardheere kuna sii jeeda degmada Garbahaarey, waxa ay Goobjoog News u sheegtay in gurigeeda ay uga barakacday Colaadda ku soo wajahan degmada iyo dhibaatada nolo xumo ee ka taagan halkaasi.

“Aniga iyo caruurteeda waxaan kusii socnnaa degmada Garbahaarey, waadna ogtahay waxa aan uga barakacnay Baardheere waa colaadda ka jirta meesha, raashiinkii qaali buu noqday dad badanna meesha waa ay ka barakaceen” ayeey tiri Ruqiyo.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa u ruqaansaday dhanka degmada Baardheere oo ay maamulaan Al-shabaab, waxaana maalmahaan halkaasi ka jirta cabsi badan.

Goobjoog News