U bood dhigaalka

10 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Sh/dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in 10 qof oo u badan carruur ay cudurka shuban biyoodka ugu dhinteen deegaanka Daymasame ee gobolkaasi.

Waxaa jira dad kale oo uu hayo xanuunka cudurka shuban biyoodka, iyadoo loo aaneynayo cudurkaan, biyo wasaqeysan oo ay dadku isticmaaleen.

Waxgaradka ku dhaqan deegaankan ayaa u sheegay Goobjoog News, in maadaama uu guray Wabiga ay dadka isticmaalaan biyo aad u wasaqeysan.

Ma jirto xarumo caafimaad oo deegaankan ku yaallo, isbitaallana ugama soo sokeeyaan magaalada Jowhar oo qiyaas ahaan u jirto 20 KM.

Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay maamulka Sh/dhexe iyo hay’adaha caafimaadka in gurmad degdeg ah lala soo gaaro si aanay xaaladooda uga sii darin.

Goobjoog News