U bood dhigaalka

10 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Gelinsoor, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay 10 ruux cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen.

Galad Cabdulle Cumar oo kamid ah saraakiisha caafimaadka ee deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadkaasi ay geeriyoodeen Labadii Todobaad ee ugu dambeysay.

Wuxuu tilmaamay Galad in hadda isbitaalka Gelinsoor ay jiifaan dad ka badan 10, kuwaasi oo uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka.

“10 qof ayaa cudurka shubanka ugu dhimatay deegaanka, dad kalena waa ay la jiifaan, annaga dedaal badan baan wadnaa, waxaana dooneynaa inaan la tacaalno dadka xanuunsanaya, dad aan Gaalkacyo u gudbinay ayaa jira maadaama xaaladooda ay aad u adag tahay” ayuu yiri Galad Cabdulle.

Deegaanno badan oo dalka ah waxaa sidan oo kale uga jira cudurka shuban biyoodka oo ay u geeriyoodeen dad badan kuwo kalena weli ay la il daran yihiin, waxaana dadka xanuunsanaya u baahan yihiin gurmad caafimaad.

Goobjoog News