U bood dhigaalka

10 Ruux oo Ku Geeriyootay Roobab Ka Da’ay Baardheere

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in Roobab Dabeylo wata oo saacadii lasoo dhaafay ka da’ayay gobolka ay sababeen khasaare dhimasho iyo burbur guryo, waxaana kasoo baxayay warar kale duwan oo ku aadan.

Magaalada Baardheere ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Roobab xooggan oo ka da’ayay xaafadaha degmada ay sababatay geerida 10 ruux, kuwaas oo u badanaa dhallinyaro, waxaana sidoo kale ku jira Caruur  oo intaba ay waxyeeleeyeen Dabeylaha xooggan iyo  Roobka is watay.

Maamulka degamada ayaa sheegay in Roobab xooggan oo da’ayay saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen qaar kamid ah xaafadaha magaalada, haddana ay wadaan gurmad lagu samatabixinayo dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Roobabka iyo Dabeylaha iswata ee ka da’ayay degmada.

Roobabkaan Dabeylaha wata ee ka da’ayay qeybo kamid gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Abaar baarsan oo dadka iyo duunyada saameysay ay ka jirtay inta badan gobolka, Roobka xilliga Gu’a ayaa inta badan ka curtay gobollada dalka ee Koonfurta iyo gobollada  Waqooyi.

Goobjoog News