10 Sabab Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Hor Istaagaya In Uu Saxiixo Xeerka Saxaafadda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa loo gudbinayaa xeerka Saxaafadda oo isniintii ay ansixiyeen golaha shacabka, sharcigan ayaa ka mid noqonaya sharciyada aanu baarlamaanka xil iska saarin doodahooda iyo falanqeyntooda  ee la iska ansixiyay.

Xeerkan oo ah mid meel looga dhacay xaqa saxafiga, xuriyatul-qowlka iyo madaxbanaanida warfiyeenka, waxaa laga gudboon madaxweyne Xasan Sheekh in aanu saxiixin ee uu dib ugu celiyo qoladii keentay si ay ula tashtaan dadka ehelka u ah saxaafadda isla markaana yaqaano maslaxadda saxafiga Soomaaliyeed.

Hadaba waxaan Madaxweyne Xasan u soo gudbinayaa 10 sabab oo Ka Hor Istaagidoonta in uu Saxiixo  Xeerka Saxaafadda:

Kaalintii Ilaalinta iyo Dabagalka: Saxaafadda shaqadeeda  waxaa mid ah in ay ilaaliso shaqada Awoodaha  dowladda sida fulinta, sharci dajinta iyo garsoorka, waxaa kaloo saxaafadda ay isha ku heysaa laamaha kala duwan ee dowladda si aanay u faafin musuqa, eexda, qabyaaladda…..Xeerkan waxaa uu ka hor imaanayaa in saxafiga uu qabto shaqadaas sharafta leh.

Cabsi Gelin:  Xeerkan waxaa ku qoran in Saxafiga lagu ganaaxayo lacag dhan ilaa 3000$ kadibna maxkamad iyo xitaa xariga! Waxaa muuqata in aan xisaabta lagu darsan Saxafiga Soomaaliyeed Lacagta uu ku shaqeeyo? Iyo xaaladda uu ku shaqeeyo intaba.

Xeerkan waa xeer ciqaab oo loogu talagalay in saxafiga Soomaaliyeed lagu baqdin geliyo, in uu uga ka fakiro waxa uu qorayo iyo cidda uu  ka qorayo, xeerka waxaa uu meesha ka saarayaa hal-abuurka, gadoodka, kartida, mucaaradnimada  iyo afdheerida Saxafiga, arrintaas oo qeyb ka ah cabsi gelin ay dowladda ku heyso Saxafiga iyo Saxaafadda.

Dadka soo diyaariyay: Xeerkan Waxaa ay Wasaaradda kala tashatay dad aan aqoon u laheyn Saxaafadda iyo cilmigeeda, dad aan aqoon u laheyn xeerarka Saxaafadda caalamka, xuquuqda saxafiga iyo xitaa waajibaadkiisa.

Xeer noocaan oo kale waxaa loo baahan yahay in lagala tashto dad aqoon u leh cilmiga Saxaafadda iyo Saxafiyiinta, soo akhriyay xeerarka Saxaafadda caalamka, dadka loogu yeero rugcadaayaasha Saxaafadda oo ku dhexjiray shaqadan 50kii sano ee ugu dambeeyay iwm…xeerkan ma aheyn in laga tashto dad hey’ado iska sameystay.

Yaa Wato Xeerkan: Sharcigan waxaa wadata Wasaaradda warfaafinta, wasiirka xeerkan soo diyaariyay waxaa uu ka mid yahay mas’uuliyiinta la doonayo in ay Saxaafadda ilaaliso, shaqadiisa la socoto isla markaana la xisaabtanto, marka sidaa xeer ku keeni karaa qofkaas? Sidee isugu noqon karaa qofkii aan ka dacwoonayey iyo gasroorihii labada ama sheekada waa dubo oo daangeyso.

Wasaaradda Warfaafinta:  Waxaa xeerka ku qoran in Xil ka qaadista guddiga uu soo jeedinayo Wasiirka warfaafinta, waxaa intaa ka sii daran Wasiirka warfaafinta waxaa awood u leeyahay in uu hirgaliyo xeerhoosaadka lagu dhaqayo guddigan, isaga ayaa go’aan ka gaaraya ganaaxa saxafiga, shatiga, ruqsadda iyo wax walbo, guddigan wasiirka warfaafinta ayaa isugu wici kara, kala diri kara ama xitaa soo rogi kara go’aan degdeg ah oo la xiriira amniga.

Wasaaradda warfaafinta waa wasaarad aan ka jirin wadamada iyo qaaradaha hor u maray sida Mareykanka iyo Yurub, waxaa ay ku hartay wadamada Kalii taliska ka jiro, waxaa la gaaray xiligii laga fakiri lahaa in meesha laga saaro wasaaradaas iyadoo Radio Muqdisho, TV iyo Wakaaladda loo sameyn karo hay’ad la mid ah sida BBC-da si ay shacabka ugu adeegaan.

Guddiga La Dhisayo: Waxaa la yaab leh in guddiga la dhisayo uu ka kooban yahay 9 xubnood, 3 kaliya ayaa ka ah Saxaafadda xorta ah inta kale waa shaqaalaha dowladda sida Weriyeyaasheeda, ururada haweenka iyo qareeno..bal dadkan Maxaa Saxaafad ka galay?

Dhinaca kale ma cadda aqoonta ay leeyihiin guddigan iyo sida ay ku iman karaan, waxaa muuqata in guddigan lagu dooran sidii sharciga lagu sameeyay oo ah cidda uu wato Wasiirka warfaafinta iyo dowladda.

Aqoonta Saxafiga: Xeerka waxaa lagu sheegay in Saxafiga uu yahay midka jaamacad ka soo baxay, saxafiyiinta caalamka ka shaqeeya waa 3 nooc: qaar aqoonteeda leh, qaar khibrad ka kasbaday ku dhex jirka mihnadda saxaafadda iyo qaar looga faa’ideysto taqasuskooda gaarka ah sida dhaqaalaha, qaanuunka, bulshada, diinta, fanka.

Qasab ma ah in qofka Saxaafadda ka shaqeeya uu Jaamacad Saxaafadda ah ka soo baxay sida aan shardi looga dhigi Karin in Wasiirka Warfaafinta uu ka tirsanaado bahda warfaafinta.

Mucaarad-Diid: Dalkan Soomaaliya hadda kama jirto mucaarad sida wadamada kale, Axsaabtii weli lama sameyn, Saxaafadda madaxa banaan waxaa ay lagu tiriyaa mucaaradka dowladda, haddii xeerkan uu Madaxweynaha saxiixo waxa ay ka dhigan tahay fara maroojin iyo afduub lagu sameynayo codka saxaafadda xorta ah iyo mucaaradka Soomaaliya.

Meel Ka Dhac Xuritul-Qowl: Weriyaha Soomaaliyeed ma heystaan awood aan ereygooda  aheyn, dowladda xaq uma laha in ay xaqaas ka qaaddo, saxafiga looma sheegi karo waxa uu qorayo ama uu ku hadlayo, saxaafadda waa mihnad xor ah oo qofka uu xakameeyo oo keliya damiirkiisa.

Yaa Ciqaabaya Saxafiga: Warfaafinta iyo Saxafiyiinta Soomaalida ma heystaan niqaabo ama hay’ad ay ku mideysan yihiin oo u doodada xuquuqdooda, u sheega waajibkooda ama ciqaabta Saxafigii ku xad gudba shaqada  iyo anshaxa saxaafadda.

Ugu dambeyn waxaa madaxweyne Xasan Sheekh hortaalla tilaabo taariikhi ah, waxaa waajib ku ah in aanu saxiixin xeerkan lagu afduubayo xurituyl-qowlka iyo madaxbanaanida saxafiga iyo saxaafadda Soomaaliyeed.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

gurbiyeshow@gmail.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW