U bood dhigaalka

10 Tallaabo oo Kaa Dhigaya Qof Caafimaadkiisu yahay Mid Buuxa

Sheeko:Caafimaadka

Dadka oo dhani waxay ku riyoodaan iney helaan nolol caafimaad oo dhameystiran, taas oo u adeegaysa nolosha qofka oo xilli kasta uu cadaadis soo waajihi karo. Sidaa darteed waxaan idinla wadaageynaa 10 tallaabo oo qofka ka dhigaysa qof caafimaadkiisu uu dhameystiran yahay, waana sida uu qabo Larry Lewis oo ah khabiir nolosha iyo caafimaadka oo heerka caalami ah.

1 – Sigaarka ha cabin

Sigaar cabistu waa khatarta ugu badan ee caafimaadka, cudurro badanna waa laga dhaxlaa oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca habdhiska Neefmareenka.

2 – Mukhaadaraadka oo Qaadku ugu horreeyo ka fogow

3 – Qaxwo Farabadan ha cabin

Ulajeedadu maaha in gabi ahaamba la joojiyo qaxwo cabista, laakiin waa inaan xad u sameysno waxaad cabbayso iskana yareso intii suurtogal ah, hay’adda faya dhowrka midowga Yurub waxay ku talisay oo mabaadi’deeda ka mid ah in maalintii uu qofku cabo 400 Miligaraam oo u dhigantay 4 koob oo kaliya maalintii.

4 – Noqo Qof firfircoon nolol maalmeedkaaga

Dadka caajiska badan waa kuwa ugu nugul dhanka cudurada halistana ugu jira.

5 – Jir-dhiska ka dhigo qeyb  noloshaada ka mid ah 

6 – Raashinkaagu mid caafimaad ha noqod.

Tallaabadan ayaa ah tan ugu muhiimsan, nidaamka cunno oo dhameystiran oo isku dheellitiran noloshaada ayuu lagama maarmaan u yahay, si uu raashinkaagu uu noqonayo mid dhameystiran waxaa lagama maarmaan ah inaad dhakhtar la tashato arrintaa kaa caawiya, waana qaabka ugu habboon ee aad ku heli karto raashin nacfi leh gudaha dalka yaalla.

7 – Hurdo Kugu Filan Seexo

Jirkeenna , caqligeenna iyo nafteenuba waxay u baahan yihiin nasasho, meesha ugu wanaagsan ee laga helaana waa hurdada, 7saac iyo xogaa daqiiqado ah ayaa maalintii kugu filan.

8 – Nadaafaddaada gaar ah ku dadaal

9 – Cab maalintii biyo kugu filan

Haddii aad doonto inaad ogaato biyaha uu maalintii jirkaagu u baahan yahay, miisaankaaga qiyaas, kadib waxaad helaysay ilo badan oo kugu hagay heerka biyaha jirkaagu u baahan yahay maalintii adigoo google-ha si fudud uga heli kara. waxyar oo dadaal ah haddaad ku bixiso si fudud ayaad ku helaysaa.

10 – Naftaada ku leyli xakameynta cadaadiska nolosha

Tallaabada ugu dambeysa ee habka caafimaadka wanaagsan waa cadaadiska nolosha ee naftaada soo waajaha sidii aad u xakameyn lahayd. kaas oo uu ka dhalanayo cudurro farabadan oo dhanka caqiliga ah naftaadana saameyn badan ku yeelanaya. sidaa darteed waxaa muhiim ah inaad naftaada barto adkeysiga samirka iyo dulqaadka.