U bood dhigaalka

10 Warfidiyeen oo uu Ku Jiro Weriyaha Goobjoog oo Maalintii 4-aad u Xiran Somaliland

Sheeko:Amniga

In ka badan 10 weriye oo ka hawlgala Somaliland ayaa maalintii 4-aad waxaa ay ku xiran yihiin xabsi ku yaala caasimadda Hargeisa.

Weriyeyaasha xiran waxaa ka mid ah agaasimaha Goobjoog TV ee xafiiska Somaliland Caydaruus Maxamed iyada oo aan la ogeyn xaaladdiisa.

Weriyeyaasha Xiran ee nalo xaqiijiyey ayaa kala ah:

  1. Caydaruus Maxamed Goobjoog TV
  2. Maxamed Cabdi Ilig oo ah maamulka (MM  TV),
  3. Xasan  Saleebaan Haariin Galeydh(BBC Somalia)
  4. Axmed Maxamuud Yuusuf(Saab TV),
  5. Axmednuur Samrawi(Bulsho TV)
  6. Maxamed Jamaal (MM Somali TV),
  7. Cabdijibaar Maxamed Xuseen (Horn Cable TV)
  8. Khaalid Alleedi (Horn Cable TV)
  9. Axmed Simaali(Horn Cable TV)
  10. Maxamed Suldaan(Horn Cable TV)
  11. Iyo labo kale oo farsamoyaqaano ah oo aaney noo suurogelin in aan helno magacyadooda.

Ilo warbaahineed oo ku sugan Hargeisa ayaa sheegay in maanta weriyeyaashii xirnaa 4-ta maalin ee tagtay, loo sii jaray ilaa 5 maalin oo xabsi ku heyn ah, taasi oo sii murjisay xaaladda.

Wararka ayaa sheegay in sidoo kale ay booliiska Somaliland au la wareegeen qalabkii ay weriyeyaasha wateen sida caamerooyinka.

Weriyeyaasha ku sugan guud ahaa dhulka Soomaalida, hey’adaha u dooda xuquuqda weriyeyaasha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ayaa intaba dalbaday sii deynta weriyeyaasha.

Agaasimaha guud ee warbaahinta Goobjoog Xasan Maxamuud ayaa ka dalbaday Somaliland in ay sii daayaan dhammaan weriyeyaasha xiran isaga oo intaa raaciyay in Goobjoog aad uga welwelsan tahay weriye Caydaruus Maxamed, rajeyneysana inuu xoriyaddiisa helo sida uga dhaqsiyaha badan.

Weriyeyaasha ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeisa ayaa jimcihii dhigay dibadbax ka dhan ah xariga iyaga oo dalbaday in la sii daayo weriyeyaasha.

SJS oo ah hey’ad u dooda xuquuqda weriyeyaasha ayaa sheegtay in ay ka xun tahay xarig wadareedka lagula kacay weriyeyaasha ka hawlgala Hargeisa.

Dhankeeda Hey’adda xuquuqul insaanka ee Robert F. Kennedy ayaa cambaareysay xariga weriyeyaasha iyada oo dalbatay in la sii daayo.

CPJ Africa ayaa sheegtay in walaac ka qabto xarig wadareedka loo geystay weriyeyaasha Hargeisa iyada oo sidoo kale dalbatay sii deyntooda.

Goobjoog News