U bood dhigaalka

101 Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Suudaan, Lagana Yaabo In La Keeno Soomaaliya

Sheeko:Dalka

101 tahriibayaal Soomaali ah iyo dad kale oo u dhashay waddamada Itoobiya iyo Djabuti ayaa lagu qabtey gudaha dalka Suudaan, sida ay sheegeyso safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan.

Fiidow Maxamud Fiidw, maxada warfaafinta safaaradda Soomaalida ee Suudaan oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegey in Soomaali badan ay ku jiraan tahriibayaal ay qabteen ciidamada ammaanka dalka suudaan, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri:

“Tirada dadka guud, waxaa ku jira 101 oo Soomaali ka ah, 34 waa haween, iyaggoo xuduudda u sii socda ayaa la soo qabey, dadka tahriibiyaasha ah dowladda suudaan sharci ayaa uga yaallo waxaa lageeyaa  xurumaha dambi baarista,  ciddii dambi lagu  waayo waxaa loo wareejiyaa dhanka qaxootiga  UNka ah , waa la celinaa haddii ay doonayaan iney noqdaan haddii kale waxaa loo isticmaalayaa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga ahaan ah oo meel lagu xareeyo”

In kasta oo dadkan aan weli la geyn caasimadda Khartuum hadana Fiidow waxaa uu sheegayaa in dowladda Suudaan ay la socodsiisey safaaradda tahriibayaashan la soo qabtey.

Mr. Fiidow waxaan wax ka weydiiney shaqada safaaradda waxaa uu ku jawaabey

“Safaaradda waxay inta badan ay qabataa  wacyi gelinta dadka  Soomaalida halkaan joogo , safaaradda sidoo kale waxay qabataa  oo ay la dagaalantaa dadka tahriibka,  waxay qabatahy in ka badan 10 muqalisiin,  waxay arrinkaas la kaashataa dowladda Suudaan , waana lagu guuleystay, taasi waxaa ay keentey in Khartuumo tahriibkeeda yaraado, Tahriibka hadda waxaa uu ka jiraa Darfuur iyo dhankaas Libya.

Go’aan noocee ah ayaa sugaya dadkaas la soo qabtey, waa su’aalo kale oo aanu weydiiney?

“Dadkaan la soo qabtay ilaa iyo hadda wax go’aan ah kama gaarin sababtoo ah  waxa uu dhahay maalintii axada aheed  wailba habeenkii  sabtida ay soo galaysay  maxkamad iyo wax kale waxayna u badantahy in lagu xukumo ganaax lacageed ama in lasoo celiyo maadaama hadda wadanka Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin” Fiidow ayaa ku jawaabey.

Ugu dambeyn waxaan weydiiney madaxa warfaafinta safaaradda Soomaalida ee Sudan Fidow Maxamud Fidow sababta tahriibka ay caqabad u noqotey oo ardeyda ay waxbarashada uga cararayaan isagoo arrintaas ka jawaabaya waxaa uu yiri

“Tarhriibka wadanka Suudaan waxay saameyn ku yeelaneysaa waxbarashada marka ardey uu soo waco oo uu dhaho wadan heblo ayaan joogaa nolol fican ayaa ku jiraa waxay saameyn ku yeelaneysaa ardagii miskiinka ahaa ee waxbaranaayey.

Dadka wax tahriibiya waxaa uu dhaqaale badan ka soo gala arrimaha tahriibka, iyaggoo sanado badan halkaasi ka shaqeynayey, waxaa la shaqeeya gawaari iyo hey’ado dalka ka tirsan.

Goobjoog News