U bood dhigaalka

102 qof oo Ku Dhintay Qarax ka dhacay Hindiya

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 102 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhashay Baaruud oo qabsaday Macbad Hindi ah, in ka badan 200 ayaa sidoo kale ku dhaawacantay.

Machabdka uu dabka ka kacay waxaa uu ku yaalay Kollam oo ka tirsan gobolka Koofurta Hindiya ee  Kerala.

Narendara Modi ra’isul wasaaraha Hindiya oo sheegay in uu goordhaw gaari doono Kollam, isagoo wasiirka caafimaadka iyo wasiirada kale ka codsaday in dadkaas gargaar lala gaaro, wasiirka koobaad waxaa uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday.

Dhaawacyo u badan kuwa gubtay ayaa la sheegayaa in la dhigay Isbitaalada Meeyapuram iyo  Kottiyam oo deegaanka ah, in badan oo dhaawacyadaas ka tirsan xaladooda waa mid halis ah.

Baaruudda waxaa ay ka mid tahay shaqada Macbadka dhexdiisa laga sameeyo, dowladda Hindiya waxaa ay sheegtay in ay sameyn doono baaritaan.

Goobjoog News