U bood dhigaalka

Madaxii Xabsiga Dowlad Deegaanka Ethiopia Oo La Musaafuriyey.

Sheeko:Dalka

Addis Ababa Reuters)- Xubno ka tirsan saraakiisha ammaanka Soomaaliya ayaa xiray madaxii xabsiyada dalka Ethiopia kaasoo ku eedeysan inuu jirdil iyo dambiyo kale u geystay maxaabiis xabsigaas ku xirnaa waxaana dib loogu celiyey xudduudda Soomaaliya ay la leedahay Ethiopia.

Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed ayaa shaqada ka eryey Xasan Ismaaciil iyo saraakiil kale oo sare oo gacanta ku hayey xabsi ku sheegga “Jail Ogaden sannadkii hore kaddib markii lagu eedeeyey inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah bini’aadannimada.

Isagoo baxsad ah ayaa Xasan lagu qabtay deegaan ka tirsan maamulka Puntland waxaana loo gudbiyey xabsi ku yaalla Ethiopia sida uu sheegay Maxamed Colaad oo ah Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia.

“Waa la xiray iyadoo looga shakisan yahay xadgudubyo uu u geystay maxaabiis,” ayuu yiri afhayeen Maxamed , “dambiyada uu geystay waxaa sidoo kale ka mid ah jirdil, inuu dadka u diiday inay seexdaan ama wax cunaan iyo waliba kufsi.”

Hay’adda Human Rights Watch ee saldhiggeedu yahay Magaalada New-York ayaa sheegtay bishii July ee sannadkii hore intii aan la xirin xabsigaas inay jiraan dad lagu dhibaateeyey xabsigaas muddo sannado ah.

Dowladda Ethiopia ayaa kula dagaallameysay ururka ONLF muddo 30 sano ah gobolka ay Soomaalidu degto ka hor intii kooxdu aysan ku dhawaaqin inay diyaar u tahay wada-hadallo iyo xabbad joojin bishii August.