U bood dhigaalka
Sheeko:War

Waxaa soo baxaya warar ku saabsan in baarlamaanka Kenya uu dhawaan ka doodi doono in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay kasoo baxaan halkaas iyo in kale.

Mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo Benjamin Washiali oo laga soo doorto magaalada Mumias ayaa qaar ka mid ah warbaahinta Kenya u sheegay in ciidamada Kenya ay markii horeba Soomaaliya ku galeen ogolaashaha baarlamaanka, haddana ay kasoo baxayaan haddii xubnaha baarlamaanku ay isku raacaan.

Saxiixa barlaamanka waa awooda kaliya ee aan ciidamadeena Somalia uga soo cishan karno ayuu yiri xildhibaanka magaalada Mumias laga soo doorto. Xildhibaan Washiali ayaa sheegay in xubnaha barlaamaanka ugu jira xisbiga CORD ay wadaan motion ku aadan in ciidamada Kenya Soomaaliya laga soosaaro.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamada Kenya,in Soomaaliya laga soosaaro arrinta kusaabsan ay aad usara kacday wixii ka dambeeyay markii uu dhacay dibadbixii Sabasaba ee ay mucaaradku fagaaraha Uhuru Par kadhigeen.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli Al-shabaab ay gudaha dalka Kenya weerarro ka geysanaysay, kuwaasoo ay ku dhinteen 93-qof, waxaana weerarradan ay si xiriir ah uga dhaceen deegaanno ku yaalla xeebta dalka Kenya oo ah goobaha dalxiiska ee Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay dalka 2011-kii iyagoo sheegay in ay la dagaalamayaan dagaalyahannada Al-shabaab oo halis galiyay Kenya.

Wararka Goobjoog news