U bood dhigaalka

11 Indhoolayaal Ah Oo U Fariisanaya Imtixaankii Ugu Dambeeyay Ee Fasalka Dhexe

Sheeko:Dalka

Waxaa Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigay ardey 11 ah oo aragga  la’a isla markaana u fariisan doona todobaadkan imtixaankii ugu dambeeyay ee dugsiga dhexe.

Waxaa munaasabada ka qeyb galay Maamulka degmada Hodan, maamulka School-ka, Xubno daladaha dalka ka jira ka socday qaarkood, masuuliyiin jaamacadeed iyo Waalidiinta ay caruurtooda imtixaanka u fariisanaayo.

Cabdifitaax Maxamed Daahir oo ah Maamulka dugsiga Imtixaanka qaadaya ee Al-Nuur ayaa sheegay in ay ku haminayeen in ay arkaan dadka aragga la’a oo waxbartay

Qaar ka mid Waalidiinta oo meesha ka hadlay ayaa u Mahadceliyay shirkadda Hormuud si ay uga dhigeen dadkan indhaha la’a kuwoo waxbarta iyagoo hey’adaha kale ugu baaqay in ay dhankooda wax uga qabtaan.

Ardeydii oo meesha ka hadashay ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay u fariisanayaan imtixaankii ugu dambeeyay ee fasalka dhexe.

Goobjoog News,