U bood dhigaalka

11 Xildhibaan Oo Maanta Lagu Dooranayo Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu doorto 11 xildhibaan oo kamid ah xubnaha kusoo aadey beelaha dega gobollada Waqooyi ee dalka (Somaliland)

Xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho ayeey doorashadan ka dhici doontaa iyadoo amniga uu yahay mid aad loo adkeeyey.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa ka dhigan middii Labaad oo lagu dooranayo xildhibaannada gobollada Waqooyi, iyadoo horey loo doortey Lix Xildhibaan.

Beelaha iyo Kuraasta lagu tartamayo:

Beelaha Arab (Abaddala arab, Abadalla Muuse iyo Maxamed Fanax) waxaa ay dooran doonaan hal (1) kursi

Beesha Cidagale (Dhamal Adan iyo Abokar Muuse) waxa ay ku tartami doonaan labo(2) kursi

Beesha Habar Jeclo (Muuse Abokar) waxaa ay ku tartami doonaan labo (2) kursi

Beesha Habar Yonis (Cabdalla Ismaaciil) waxaa ay ku tartami doonaan hal (1) kursi

Beesha Habar Yonis ( Ali Saciid iyo Isxaaq) waxaa ay ku tartami doonaan labo (2) kursi

Beesha Samaroon (Makaahiil) waxaa ay ku tartami doonaan seddex (3) kursi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News