U bood dhigaalka

Tartan Lagu Xusayo Laacibkii Hore LLp Jeenyo Iyo Xulka Qaranka Marxuum Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) Ayaa Si Weyn Ugu Socda Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Magaalada Muqdisho waxaa si weyn ugu socda tartan lagu xusayo laacibkii hore LLP Jeenyo Xulka Qranka Soomaaliya iyo Gobolka Baayo Maxamaed Xaaji Adam Uurey kaas oo dabayaaqadii 2019 ku geeriyooday magaalada Toronto ee Wadanka Canada.

Tartanka lagu xusayo laacibkii hore Xulka Qaranka marxuum Uurey waxaa ka qeyb galaya ciyaartooydii hore ee Dalka iyo kuwa iminka soo koraya waxaana loogu tala galay in dhallinyarada buburkii ka dib dhalatay la xasuusiyo taariikhda halyay Uureey.


Taageerayaal badan ayaa ka soo qeyb gal ciyaarayahan lagu xasuusanayo ciyaaryahan Maxamed Xaaji Uurey,iyagoo u mahad celiyay qab qaabiyaasha

Nasro Maxamed oo  ka mid aheyd laacibiintii hore LLP Jeenyo ayaa Goobjoog u sheegtay in ay ka shaqeyndoonaan tartamo kale oo dhawaan lagu qaban doono Maamul Koonfur Galbeed,maadama uu halkaas ka soo baxay xirfadyahan Maxamed Xaaji Aadam Uurey, si dhallinyarada iyo bahda iaboortiga deegnada Koonfur Galbeed.

Tan iyo bilawgii sanadka 2020 waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay tartamo kala gedisan oo lagu xusayo ciyaaryahanadii hore ee Soomaaliya ee geeriyooday waxaana abaabulka barnaamijka iska kaashanahaya qaar ka mid xidigihii hore dalka ee kala jooga gudaha Soomaaliya iyo Wadanka dibadiisa.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ka Mid Ah Tartanka Lagu Xusay Laacib UUreey

https://www.facebook.com/GoobjoogNewsTV/videos/585801332320993/