U bood dhigaalka

12 Askari Oo Ku Geeriyootay Qaraxyo Ka Dhacay Dalka Iraq

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 12 askari ooka tirsan ciidamada ammaanka dalka Iraq ayaa ku geeriyootay 30 kalenaa dhaawacyo ayaa soo garay kadib Qaraxyo ka dhacay galbeedka gobolka Ambar.

Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday gaadiid laaga soo buuxiyey walhaxa qarax, waxaana mas’uuliyadda weeraradan sheegtay ururka Daacish.

Ilo dhanka Milataariga ah ayaa sheegay in mid ka mid ah qaraxyada uu sababay khasaaraha ugu badan ee soo gaaray ciidanka wadanka Iraq.

Dhinaca kale ururka Daacish ayaa sheegtay inay qarxiyeen saldhig biyo ah oo dadku ka qaadan jireen biyaha nadiifka ah, kaa oo ku yaalla isla gobolka Ambar.

Daacish ayaa weeraro kala duwan ka geysata gudaha dalka Iraq iyaga oo dagaallo kula jira dowladda dalkaasi maamusha.

Goobjoog News