U bood dhigaalka

12 Jir IL Dhaqaale u ah Qoyskiisa Gelinna Waxbarta

Sheeko:Dalka

Waa dhif inaaad aragto 12 jir kaalin weyn oo mug leh  ka qaata nolosha qoyskiisa Sidoo kalena ah arday kaalimaha ugu horreeya ka gala imtixaanaadka Iskuulka.

Sheekada warbixinteenna waxaa ay daaran tahay C/lhi  Abuukar oo ah Wiil da’yar ah  kaas oo galinka hore ka caawiya nolosha reerkiisa oo ah danyar halka galinka dambana uu aado  waxbarashada Iskuulka.

Abbaaro 8:00 oo Subaxnimo aniga oo u socdaalaya Xarunta shaqada ayaan kula kulmay isgoyska Banaadir kaddibna xalaaddiisa ayaan u kuur galay, waxaana ii soo baxday in uu yahay Halgamaa yar oo dhexda u xirtay  la dagaallanka daruufta adag ee Qoyska Sidoo kalena uusan ka harin asaaggiis uu dhanka waxbrashadana tartan culus oo la taaban karo kula jiro.

Xilligaas waxaa uu waday Caagad ay ku jiraan Lows duban Sisin iyo Mac-maacaan kale waxaana uu hadalkiisa iigu billaabay Sidaan: ” Subaxdii Waxaan soo qaadaa Mac-macaankaan Ka Sameysan Lowska Sisinta iyo kuwa kale,  waan wareejiyaaa, Magaalada meelaha ugu muhiimsan oo dhan lug ayaan ku tagaaa balse 11:30  ayaan soo laabtaa maaddaama aan iskuul leeyahay galinka dambe, guriga waxan keenaa wixii aan soo iibiyay mararka qaarkood wax fiican ayaa la iga iibsadaa mararka qaarna wax yar haddba suuqa ayey ku xiran tahay”.

Cabdullaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa Goobjoog u sharraxay heerka uu jecel yahay in uu ka gaaro Waxbarashada ” Waxabarshada aad ayan u jeclahay waxaana ku fikirayaa inaan heer jaamacad gaaro waxan xiiseeyaa inaan noqdo Ingineer wanaaagsan oo ka qeyb qaato dhismaha dalkeenna”.

Intaas Kaddib si aan usoo bandhigo noloshiisa dhabta ah waxaan  u baqoolnay gurigiisa waxaana ugu taknay Qoyskii oo idil kuwaas oo ka sugayo C/llhi biilka maalintaas.

Waxyaabaha aad ii Xanuujiyay oo uu iiga sheekeyay waxaa ka mid ah: in uu ka soo lugooyo Xaafadda Macallin Nuur ee Degmada Dharkeynley kaddiba waxaa uu lugta soo mariyaa Zeybiyaano, Banaadir, Km4 illaa Dabka si uu u baadi gaabo cid ka iibsato Mac-macaanka kala duwan ee uu Subax walba uu soo qaado  kaddibna lug ayuu ugu soo laaabtaa Gurigii Macallin Nuur. Aabbe Abuukar oo ah Waalidkiis ayaa Goobjoog  ugua war bixiyay  arrrimo ku soo saabsan: ” Wiilkeyga Subax walba magaalada ayuu noogu qaadaa Mac-macmacaankaan si uu cidda biilkeeda noogu kabo waayo aniga shaqo la’aan ayaan ahay oo guriga ayaan iska joogaa, wiilkeyga daruuf badan ayaa haysato xitaa gaari ma raaaci karo oo lugtiisa ayuu ku baxaa kuna soo laabtaa,  xitaa iskuulka oo aad nooga fog ayuu u lugeeyaa Xaaladdiisa waa sidaas”.

Hadda waxaa la gaaray Xilligii iskuulka  Waxaana u diyaargaroownay inaan u dhaqaaqno  in ka badan 30 daqiiqo ayaan sii soconnay  waayo iskuulka ayaa xaafaddiisa aad uga fog qorraxduna aad ayey u kulushahay. Balse C/lhi maalin walba iskuula lugtiisa ayuu ku tagaa waana uu uga soo laabtaa.  Danta iyo daruufta ayaana sidaasi bidday. Hadda fasalkiisii ayuu fadhiyaa sida caadiga ahna xiisadda waa ay billaabatay.

Macallinka ayaa su’aalo ku billaabay ardayda.  Suaashii ugu horreeysay ayaa isaga gacanta taaktay oo si wanaagsan ayuu uga jawaabay, dhammaam ardayda ayaa u sabcisay waxaana laga dheehan karay in uu yahay arday dadaal badan.

C/lhi sannadkaan fasalkiisa waxaa uu galay Kaalinta 1aad Imtixaanaadkii Waxana uu ka mid yahay tiro arday yar ah oo Boor lagu xardhay Sawirradooda  lagu dhajiiyay Xafiiska Maamulka iskuulka Halgan ee uu ka mid yahay fasalka 5aad ee dugsiga dhexe.

Maamule ku Xigeenka iskuulka Maxamed Iimaan ayaa si kooban uga war bixiyay waxa uu yahay ardaygaan iyo shaqsiyaddiisa isaga oo ku tilmaamay mid dhan walba ku Wanaagsan sida Akhlaaqda iyo Waxbarashada  Waxana u yiri: ” Waa arday wanaagsan oo aad u dadaal badan dhan walba waana mid tusaale u ah ardaydeenna dhan, Seddexdii Sano ee la soo dhaafay ayuu na la joogay, Kaalinta 1aad ayuu galaa waana uu dadaalaa, sidoo kale Waalidkiis ayuu caawiyaa, runtii ma amaanayo balse Waa arday dhan walba ka fiican”.

Si kastaba ardaygaan ayaa waxaa uu tusaale u yahay gayaankiis iyo kuwa kale ee isaga ka waa weyn kuwaas oo micno la’aan xaafadaha iyo magaalada u jooga, Waxaana uu mudan yahay dhiirrigalin iyo garab istaag si looga caawiyo guusha Mustaqbalkiisa.