U bood dhigaalka

Qaabkii la gu Joojiyay Saxiixa Xirmooyinka Shidaalka ee Badda Soomaaliya

Sheeko:Qormooyin

Gorgortankii u socday shirkadaha Liberty – Coastline iyo Soomaaliya ee Istanbul, ayaa waxaa ka soo dusay akhbaar ah in la saxiixi doono 4/1/2021 heshiisyo shidaal goor taas. Diyaar ayaa laysaga dhigay.

Dad danaynaaya khayraadka in la ilaashto, la dhowrto ayaa ku heshiiyay inay sammeeyaan pressure/lobby groups oo arrintaan looga soo horjeedo.

Waxaa xiriir lala sammeeyay IMF, World Bank, Financial Governance Committee (FGC) oo u dhexaysa waddamada Donors ah iyo Dawladda Federaalka.

Waxaa ka soo qeyb-galay dhaqaale-yahanno ka yimid Jaamacadaha waddanka iyo kuwa sida London School of Economics iyo School of African and Oriental Studies ee UK oo awalba ka soo shaqeeyay Somalia oo arrimahan la socda.

Waxaa la helay dad Soomaali ah oo badan iyo kuwa ajnabi ah ee xiisaynaya arrintaan qalloocan inay joojiyaan, dad badan oo Soomaali ah ayaa isxilqaamay, dadaal dheeri ah sammeeyay. Magacyo muhiim ma aha.

Sannad ka dhammaad kiisa ayaa firimbi hal jeer la wada yeeriyay oo la dhahayo waqtigii hawsha ka hor-tagga saxiixa waa la galay oo waa soo dhawaaday.

Waxaa billaabatay pressure groups inay qaadaan washamsi, oo hal jeer dhinac kasta laga keenay.

Dagaalka social media TV, Radio ga maxalliga ah qof kasta meeshiisa ayuu ka sammeeyay waxa uu ka gali karo.

Xawaaraha hawsha iyo karaar keeda ayaa kordhay. Sharqanta meel kasta ayay gaartay in Soomaaliya khayraad keeda ay boobayaan koox “cartel” ah.

Culayskii ugu xoogga badnaa waxaa sammeeyay raggii qoray sharciyada Public Procurement Act (20216), Extractive Industries Incomes Tax (oo Baarlamaanka Federaala yaalla) iyo Sharciga Batroolka iyo raggii/gabdhihii xiriirinta waddamada donors ka ah iyo Soomaaliya u dhexeeyay.

Pressure Group-yadii World Bank iyo IMF iyo safiirada waddamada donors ka qaar culays xoog leh ayay saareen Wasiir Beyle iyo Dowladda Federaalka ah.

Heer waxaa la gaaray inay IMF ta dhahdo ‘Habraacii cafinta deymaha Soomaaliya lagu lee yahay dib ayaan ugala laabanaynaa haddaad saxiixdaan”.

Waxaa soo ifbaxday bisha 4/5 teeda heshiiskii shirkadaha lala gali lahaa inayna suurta galaynin, sababta ay tahay in Soomaaliya ay waaynayso deyn-cafintii iyo maal-gelin ka dambayn lahayd.

Xasuusnaada waddanka Soomaaliya mushaharrada shaqaalaha rayid ka iyo dowladda sida xildhibaannada ay qaataan waxaa kaba Donors ka.

Sidaas ayuu ku burburay saxiixii. Dad faro badan oo kala duwan ayaa sammeeyay pressure group yadaas ka hawl-galay inaan la saxiixin. Dad ka in lagu soo jeediyo arrintaan ayaa hawl weyn ahayd.

Gunaanad: Alxamdu lillaah – xaqqa waa yimid, baadhilka waa burburay, baadhilka wuxuu ahaaday kii burburayo. Saxiixii heshiisyada waa la joojiyay, oo Dhegdheer dhimmatay, carrado waa nabad.