U bood dhigaalka

Golaha Badbaado Qaran Oo War ka Soo Saaray Xaaladda Cakiran ee dalka

Sheeko:Amniga
Golaha Badbaado Qaran ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Mqudisho waxa ay ka hadleen xaalada adag uu dalka marayo iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka,iyagoo shacabka ugu baaqay in laga qeyb qaato sidoo loo badbaadin lahaa dalka,waxaana kulanaa ka qeybgalay Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland iyo sidoo kale guddoomiyaha guddiga Badbaado Qaran ahna guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ahna Gudoomiyaha Golaha Badbaado Qaran ayaa saxaafadda u sheegay in ay muhiim tahay in la badbaadiyo xaalada cakarin ee dalka,sidoo kalane xal wadajir ah laga gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Daawo Shirka Jaraa’id Ee Golaha Badbaado Qaran

Goobjoog News