U bood dhigaalka

13 Carruur Ah Oo Todobaad Gudihiis Nafaqao Darro Ugu Geeriyootey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xerada Daryeel oo ay ku sugan yihiin dad barakacayaal ah ayaa lagu soo waramayaa in Todobaad gudahiisa ay halkaasi nafaqo darro ugu dhinteen 13 Carruur ah, iyadoo dhanka kalena laga deyrinayo xaaladda dad kale oo halkaasi ku nool.

Maxamuud Shaafi C/raxmaan, waa guddoomiyaha xeradan oo ku taalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, waxa uu Goobjoog News u sheegay in dadka ku dhaqan halkaasi aanay helin wax raashiin ah, ayna jirto xaalad adag oo soo wajahday qoysaska halkaasi ku nool.

Maamulka gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay raashiin u karin jireen qoysaska ku dhaqan xerada Daryeel, balse muddo 13 cisho ah aanu jirin wax raashiin ah, maamulkii gobolkana uu ka indho dabooshay waa sida uu hadalka u digaye.

“Dadkaan markii horeba hal waqti ayaa bariis oo nafaqo lahayn maamulkaa gobolka u karin jiray, balse hadda 13 cisho maba aanay arag bariiskaasi, 13-ka carruur ee dhintay waxay u baxeen nafaqo darro, ma haystaan carruurta halkaan ku nool daryeel dhan walbo leh, xaaladda in meeshan ay kasii darto ayaan ka baqeynaa” ayuu yiri Shaafi.

Dhanka kale, Shaafi ayaa sheegay in dadka aanu haysan meel wanaagsan oo ay ku hoydaan, habeenkii qabowga uu dhushooda ku dhacdo, cadceedda maalintiina sidoo kale.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa looga fadhiyaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu wax uga qabto xaaladda dadka barakacayaasha ah ee ku nool xerada Daryeel, degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News