U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Aljeeriya Cabdicasiis Bouteflika Oo Geeriyooday.

Sheeko:Caalamka

Telefishinka Qaranka Aljeeriya ayaa Shaaciyay geerida madaxweynihii hore ee dalkaas, Cabdicasiis Bouteflika, isagoo 84 jir ah.

Mr Bouteflika ayaa ahaa madaxweynihii toddobaad ee dalkaas tan iyo markii uu xorriyadda ka qaatay Faransiiska sannadkii 1962 -kii, wuxuuna la wareegay madaxtinimada Algeria sannadkii 1999 -kii kaddib ku dhawaad ​​labaatan sano oo uu ka maqnaa Talada dalka.

Bishii Abriil 2004, Bouteflika ayaa ku guuleystay mar labaad kadib olole doorasho oo aad u kulul oo uu wajahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Ali Benflis, kolkaas oo uu ka helay 84.99 boqolkiiba codadka, halka Benflis uu helay 6.42 boqolkiiba.

Bishii Abriil 2009, Abdelaziz Bouteflika ayaa mar saddexaad la doortay isagoo helay codad aqlabiyad ah oo gaaraya boqolkiiba 90, kadib isbeddel uu kusameeyay dastuurka, sanadkii 2008 kaas oo meesha ka saaray xadidaadii madaxweynaha ee laba xilli-doorasho oo kali ah, taas oo si weyn loo dhaliilay.

Bouteflika ayaa mar afaraad ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Aljeeriya bishii Abriil 2014, markaas oo natiijadii doorashadu ay muujisay inuu ku Horeeyay isaga, oo codbixiyeyaashu u codeeyay ay gaarayeen 81.53 boqolkiiba.

Bouteflika ayaa is casilay Abriil 2, 2019 kadib muddo bilo ah oo ay socdeen mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeday inuu isku sharaxo kursiga markiisii shanaad.

Ku dhawaad ​​20 sano oo uu xukunka hayay, 1999 ilaa 2019, waa madaxweynihii ugu xukunka dheeraa Aljeeriya.

 

GOOBJOOG NEWS.