U bood dhigaalka

Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdule “ Akadeemiyada Itaal Guul Iyo Horomar Ayaan U Rajaynaynaa”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa u mahadceliyay weriye Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) oo Muqdisho ka aas aasay akadeemiyada da’yar, isagoo u balanqaaday in maamulka Xiriirka Kubadcag yaraha ay diyaar u yihiin garab istaagida Itaal.

“Runtii Macallin Aweys Aar wuxuu qaaday talaabo wanaagsan oo kubdayasho mudan, waxaan u rajaynaynaa isag iyo ciyaartooyda uu gacabta ku hayo guul iyo horomar” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Xiririka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle.


Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle oo heerar kala duwan ka soo qabtay Ciyaaraha dalka ayaa maamulka ku bogaadiyay fursad ay abuureen da’yarta soo koraysa, isagoo sheegay in ay arintaas fursad weyn u tahay guulaha Xulka Qaranka.

“Dhalinyarada Itaal ee maanta sida wanaagsan loo barbaarinayo waxay door weyn ka ciyaarikaraan horomarka iyo guulaha guud ahaan Ciyaaraha dalka” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiye Xaaji Adan Cabdule.


Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha adag waxay balanqaadeen in ay si dhaw u gacan qaban-doonaan horomarinta iyo guulaha akadeemiyada Itaal Football.


“Hadii aanu nahay maamulka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha , waxaan xooga saaraynaa dardargelinta iyo guulaha akadeemiyada Itaal Football Club” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Guddoomiyaha Xiririka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Xaaji Aadan .

Daawo Guddoomiye Xaaji iyo Dardaraanka Da’yarta Itaal

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/macallin-aweys-aar-xiriirka-kubadcag-yaraha-soomaaliya-waan-kaga-mahadcelinaynaa-dhiirigelinta-ay-noo-sameeyeen/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle