U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Safiir U Soo Magacaabay Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Boqorka Boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi casiis ayaa safiir cusub u soo magacawday dalka Soomaaliya, kaas oo xukuumadda Riyad u fadhin doona Muqdisho.

Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, ayaa loo soo magacabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya ee sacuudiga, waxa uuna fadhigiisu uu noqon doona safaaradda Sacudiga ee Muqdisho.

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan, ayaa aaladda dhanka fogaan aragga ah ee Zoom-ka ka dhaariyay danjirihiisa cusub, iyadoo munaasibadda dhaarinta ay goobjoog ahaayeen dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Muxamed Bin Salman, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah,Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Walid bin Abdul Karim Al-Khuraji iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan khasriga madaxtooyada.

Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad ayaa ah sacuudiyaan madaw ah.

Goobjoog News