U bood dhigaalka

Rooble Oo Munaasabad Mahad Celin ah Usameeyay Wafdigii Soomaaliya Ee ICJ Xaadiray

Sheeko:Amniga

Munaasabad soo dhoweyn iyo mahadcelin isugu jirta oo loo dabaaldagayo go’aanka maxkamadda ICJ ayaa haatan ka socota Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasabadda oo uu goobjoog kayahay Ra’isul wasaare Rooble waxa ku wehliyaha, xubno ka tirsan Golaha wasiirada sida, mahdi Guuled Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Cabdullaahi Maxamed Nuur wasiirka amniga, Cabdiraxmaan Beyle wasiirka Maaliyada, Cabdulkaadir Maxamed Nuur wasiirka Cadaaladda.

Maxkamada cadaallada ICJ ayaa 12 Bishan October waxa ay go’aan kama dambays ah oo ay kasoo saartay Murankii Soohdinta Badda ee Kenya Iyo Soomaaliya waxa ay inta badan biyaha uxukuntay Mogdisho, hase ahaate Nairobi aya ku gacan seyrtay go’aankaasi.

 

GOOBJOOG NEWS