U bood dhigaalka

QM Oo Ka Deyrisay Xaaladda Gobalka Tigrayga

Sheeko:Amniga

Qaramada midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigrayga.

Gobalka oo maalmihi la soo dhaafay ay duqeyn dhanka cirka ah ka fulinayeen ciidamada dowladda federaalka ayaa la sheegay in xaalad bini’aadanimo ay soo wajahday dadka ku sugan.

Magaalada caasimadda ah ee Make’ele oo duqeymo iyo gummaad ay ka fuliyeen diyaaradaha dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay ka dhasheen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha.

QM ayaa sheegtay in kumanaan dadka Tigrayga ay ah ay wajahayaan xaalad nololeed oo adag.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in duqeymaha maalmihi la soo dhaafay ka dhacay magaalada Make’le ay geysteen khasaaro hanti iyo midna nafeed.

TPLF oo gobalka ka arrimiso ayeey ciidamada fadaraalku dhowr jeer isku dayeen in ay gacantooda kala wareegaan.

QM ayaa sidoo kale xustay in dadka gobalka ku sugan ay soo wajahday cunayari iyo daryeel caafimaad oo aan gobalka ka jirin.

Walaaca QM ayaa imaanaya kadib markii ay adkaatay in diyaaradaha gar gaarka ah ee QM in ay gaaraan magaalada Make’el ee caasimadda gobalka Tigrayga.

Dagaalka Abiy iyo TPLF ayaa hadda waxaa ka soo wareegtay muddo sanad ah oo labada dhinac dagaallo qaraar ay gobalka ku dhax mareen tan iyo intii uu dagaalka socday.

Goobjoog News