U bood dhigaalka

Muxuu Yahay Nidaamka SWIFT ee Putin Ka baqayo In laga Saaro Dalkiisa..?

Sheeko:Amniga

Wasiirka Arimaha Dibada Hungary Péter Szijjártó Aya iska fogeeyay inay hortaaganyihiin cunaqabateyno lala damacsanyahy Ruushka, oo ay qeyb ka tahay in Moscow laga saaro nidaamka Maaliyadda caalamiga ah SWIFT.

Waa maxay Swift.

Nidaamka maaliyadeed ee Swift, ayaa ah ha’ad maaliyadeed oo ay ku jiraan 11,000 oo bangiyada caalamiga ah iyo hay’adaha maaliyadeed oo kasocda 200 oo waddan oo adduunka ah.

wadamada Yurub ayaa ka doodaya go’aanka Ruushka looga mamnuucayo, go’aankaas oo saameyn doona 100% dhaqaalaha Ruushka, xitaa saliidda iyo dakhliga gaaska ayey dhibateynaysaa waayo majiro hanaan lacagaha kaash ah loigu diro banliyada Ruushka ee laga iibsanayo saliida, waana cunoqabteynta ugu culus ee dal wajaho.

Dawlada iran ayaa sanadii 2012kii laga saaray Swift, waxaana hoos udhacay 50% suuqa saliida ee dalkaasi iyo 30% wax soosasrka dibadda, 2016 ayaa laga qaaday iran.

taa beddelkeeda dawladaha reer galbeedka iyo Yurub ma rabaan inay qaataan go’aan degdeg ah oo waxyeello u geysan kara suuqyada Galbeedka iyo Yurub, dalalka arinkan ka caga jiidaya ee ugu dambeeyay ayaa ahaa Germany iyo Hungry oo tan dambe haatan ay aqbashay.

Madaxda faransiiska talyaaniga ingiriiska japan, dawladaha Baltica iyo maraykanka ayaa sheegay inay ogolyihiin tallaabadan.

GOOBJOOG NEWS.

W/Q: Yahye Abdullaahi Soocade.