U bood dhigaalka

Howlgallo Caawa Ka Socda Dhuusamareeb iyo Sababta?

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka iyo nabad sugidda maamul goboleedka Galmudug ayaa caawa maagalada Dhuusamareeb kawada howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, ciidamada ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyo xaafadaha.

Saraakiisha ciidamadu waxaa ay sheegeen in howlgalkaan uu ku qotoomo xaqiijinta amniga guud ee magaalada, waxaana ay ciidanku  koontaroolayaan meelaha laga soo galo magaalada iyo koontaroollada looga baxo intaba.

Ciidamada ammaanka iyo nabadsugiida booliiska ee howlgallada ka wada magaalada ayaa waxaa wali la sheegin dad ay kusoo qabteen, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan la qabtay maleeshiyaad jidgooyo dhigatay.

Goobjog News