U bood dhigaalka

Guddoomiyihii Xisbiga UCID Ee Gobalka Sool oo La Dilay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, ayaa sheegaya in xalay lagu dilay magaalada guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobalka Sool.

Guddoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), waxaaana sidoo kale horay uu u soo noqday xubin kamid ah golaha deegaanka Laascaanood.

Alfahaar ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa afaafka hore gurigiisa oo ku yaalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Dilka guddoomiyaha ayaa la sheegay in ay fuliyeen kooxa ku hubaysan biskoolado, kuwaas oo isaga baxsaday goobta dilka kadib.

Ciidamada Somaliland oo baaritaanno ka sameeyay xaafadda uu dilka ka dhacay, ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobalka Sool.

Goobjoog News